Bogga internetka shaqaalaha haajirey ee HSE waxaa loogu talagalay in shaqaalaha ka yimid dibedda iyo shaqo-bixiyahooda lagu siiyo macluumaad aasaasi ah, hanuunin iyo talo ku saabsan caafimaadka iyo badbaadada goobta shaqada.
Dawladda wuxuu ka wel-welsan yahay in laga faa’ideysto shaqaalaha dibedda ka yimid. HSE wuxuu ballanqaadayaa inuu wanaajiyo ilaalinta caafimaadka iyo badbaadada dhammaan shaqaalaha, ayadoo loo eegin heerkooda shaqo iyo haajireed.
Bogaggaan internetka waxaa gaar ahaan loo sameeyey si loo macneeyo sida sharciga caafimaadka iyo badbaadada u ilaalinaayo dadka dibedda ka yimid ee halkaan ka shaqeeyo. Waxuu xittaa baxiyaa talo muhiim ah oo ku saabsan doorka iyo mas’uuliyadda shaqaalaha iyo shaqo-bixiyayaasha markii ay hoos imaadaan sharciga caafimaadka iyo badbaadada Ingriiska.
Dhammaan shaqaalaha waxay helaan isla heer ilaalin sida u qabo sharciga caafimaadka iyo badbaadada Ingiriiska aydoo loo eegin haddii ay xaq u leeyihiin inay halkaan ka shaqeeyaan iyo inkale. Wuxuu ku dabakhma shaqo-bixiyayasha, dadka iskooda u shaqeysto, ganacsiyada shaqo-bixiya (ay ku jiraan shirkadaha shaqo-bixiyaha iyo qofka dadka shaqo u raadiya (gangmasters)) iyo shaqaalaha ha ahaadaan kuwo u shaqeeya wakhti buuxa, wakhti-qayb ah ama heshiis shaqo ku meel gaar ah qabo – tusaale ahaan shaqaalaha ‘shirkadda shaqo-bixiyaha’.
Maclumaadka buggaan internet wuxuu waxtar u lahaan doonaa shaqaalaha iyo shaqo-bixiyayaalka.
Shaqaalaha ka yimid dibedda dalka Ingiriiska waxay la kulmi karaan halisyo ay u baranin markii ay shaqada bilaabaan iyo sidoo kale bey’ad shaqo iyo dhaqan oo aad uga duwan midka dalka ay ka yimaadeen.
Si aad u hesho macluumaad ku takhasuusan caafimaadka iyo badbaadada, raac isku xirka u dhow qoraalka talo-siinta gaarka ah iyo tixraac ka raadso shardiga khuseeya.
Dhowr daabacad ayaa lagu turjumey luqado aan Ingiriis eheen. Kuwaani waxaa laga soo saaran karaa isku xirkaan.