Golaha Ururka Shaqaalaha - Bog internet ku qoran luqadda Boolishka si loo taageero shaqalaha si badanaaya ee ka shaqeeyo dalka Ingiriiska
Waxaa maareeyo TUC ayagoo iskaashato la ah Talo-siinta Muwaadinka (Citizens Advice) iyo Solidarnosc, wuxuu kuu macneynaayaa shuruudaha ay shaqaalaha ka filan karaan shaqada, ay ku jirto caafimaadka iyo badbaadada, saacadaha shaqada, xaq u lahaanta fasaxa iyo lacag bixinta jirrada. Waxaa xittaa jiro warar ku saabsan mawduucyo bulshadeed sida guriyeynta iyo caafimaadka iyo hannuuninta iyo sida uu dhab ahaan yahay ka shaqeynta dalka Ingiriiska.
Nidaamka Diiwangelinta Shaqaalaha
Laga bilaabo 1 Maajo 2004, badana muwaadanka dalalka cusub ee ku biirey Midowga Yurub (aysan ku jirin Cyprus iyo Malta) oo rabo in dalka Ingiriiska u shaqeeyaan shaqo-bixiye in ka badan hal bil waxay u baahan yihiin inay isku diiwangeliyaan Nidaamka Diiwaangelinta Shaqaalaha.
Xirfadaha Wax-dhisidda
Taageero dhax-galka fiican ee shaqaalaha haajirada ah. Wuxuu baxshaa faahfaahin ku saabsan kaadhadhka Nidaamka Shahaadada Xirfadaha Wax-dhisidda (CSCS) oo waxtar lahaan karo.