Health and Safety Executive

Caawinaad dheeraad ah oo ku socota shaqaalaha

Haddii aad u baahan tahay maclumaad ku saabsan wel-wel aad ka qabtid shaqada – mushaharkaaga ka hooseeyo Mushaharka Ugu Yar ee Qaranka, mawduucyada ku saabsan wakhtiga/saacadaha dheer ee shaqada, ama dhibaato ku qabtid shirkad shaqo-bixin ama qofka dadka shaqo u raadiyo (gangmaster) – wac Khadka Caawinta Mushaharka iyo Xuquuqda Shaqaalaha 0800 917 2368.

Haddii aad ku nooshahay hoy/guri kiro ah oo leh qalabyo gaas, sida cunto-kariye ama habka biiyaha kar-kariyo, hantiilaha gurigaaga wuxuu qabaa waajibaad inuu si badbaado ah ku haayo qalabyadaas. Eeg Su'aalaha Badanaa la Is-weydiiyo ee ku saabsan gaaska guriga si aad faahfaahin dheeraad ah u hesho.

Haddii aad ka wel-welsan tahay dhinacyo kale ee ku saabsan heerka uu ku sugan yahay hoyga la siiyey shaqaale haajirey, la xiriir waaxda guriyeynta ee kawnsalka xaafaddaada.

Haddii aad rabtid inaad samayso cabasho ku saabsan xaaladda caafimaadka iyo badbaadada goobta shaqadaada, waxaan ku siin karnaa talo iyo macluumaad, laakin waxaan u baahan karnaa inaan wicitaankaaga u gudbino xafiiska deegaanka ee HSE si ay shaqaalaha si dheeraad ah u baaraan. Haddii aad ka shaqeyso ganacsi oo HSE ka xoog-fulin karin sharciyada caafimaadka iyo badbaadada, sida dukaan, xafiis ama maqaasinada badankooda, waxaan ku siin doonnaa faahfaahinta xiriirka Xukumada Deegaanka maamulo deegaanka ganacsiga ku yaalo. Waxaa markaa lagaa baahan yahay inaad la xiriirto qaybta Caafimaadka Bey’da Xukumada si aad cabasho uga sameyso.

Sida u qabo sharciga Ingiriiska, waxaad qabtaa xuquuqyo kale oo aasaas ah sida xadaynta saacadaha aad shaqeyso, waqtiyo shaqo la’aan, biririfta nasashada iyo fasaxa sanadlaha oo mushahar leh.

Macluumaad ku saabsan shuruudaha iyo xaalada shaqadaada la xiriir:

  • Khadka Caawinta Adeegga Qaranka ee Heshiisintaa iyo Dhex-dhexaadinta (ACAS) lambarka waa 08457 474747 ama email u soo dir bogga internet ee ACAS
  • Xafiiska Talo-siinta Muwaadanka (Citizens Advice Bureau) ee xaafaddaada (ka eeg buugga telefoonka)
  • Dhaq-dhaqaaqa Ururka Shaqaalaha. Telefoon u dir khadka caawinta Ogow Xuquuqyadaada ee TUC lambarka waa 0870 600 4882

Qaybta Casriyeynta Ganacsiga iyo Xirfadaha (BIS) wuxuu xittaa soo saarey talo-bixin gaar ah oo ku saabsan mushahar iyo xaq u lahaanshada fasaxyada Ka shaqeynta dalka Ingiriiska: ogow xuquuqyadaada iyo meesha aad ka heli karto caawinaad iyo talo.

Qaybta Casriyeynta Ganacsiga iyo Xirfadaha wuxuu (bisha Oktoobar 2011) bilaabi doonaa hab-socodyo cusub lagu talagalay in shaqaalaha u shaqeeyo shirkadaha shaqo-bixiyayaasha la siiyo xuquuqyo ka badan sida uu qabo Amarka (Directive) Shaqaalaha Shirkadaha Shaqo-bixiyayaasha Midowga Yurub. Eeg Heshiisyo ka Xaq Badan oo Loogu Talagalay Shaqaalaha Shirkadaha Shaqo-bixiyayaasha si aad u hesho macluumaad ka badan ee ku saabsan is-beddelada iminka la tixgelinaayo.

Haddii aad qabtid su’aal ku saabsan fasaxa shaqada, ama weydiimo caadi ah ee khuseeya Nidaamka Diiwangelinta Shaqaalaha A8 ama kaadhka fasaxa shaqada A2 ee dadka Bulgariyaanka iyo Roomaniyaanka, la xiriir Xarunta Xiriirka Macmiilka ee Hay’adda Xuduudka iyo Hijrada (Border and Immigration Agency Customer Contact Centre), UK Border Agency, PO Box 3468, Sheffield S3 8WA (ama ka wac 0114 207 4074).

Eeg xiriiryada waxtarka leh si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.


Directgov - Business Link

16.09.10