Health and Safety Executive

Talo ku socota shaqaalaha

  • Dhammaan shaqaalaha waxay helaan isla heer ilaalin sida u qabo sharciga caafimaadka iyo badbaadada Ingiriiska aydoo loo eegin haddii ay xaq u leeyihiin inay halkaan ka shaqeeyaan iyo inkale.
  • Shaqo-bixiyahaada waa inuu ilaaliyaa caafimaadkaaga, amnigaaga iyo nolol-wanaaggaaga.
  • Shaqaale walba wuxuu xaq u leeyahay meel ay halista caafimaadka iyo badbaadada si habboon looga ilaaliyo.
  • Waxaad xaq u leedahay inaad ogaato qofka u shaqo-bixiyahaada yahay. Haddii aadan ogeyn -weydii.
  • Waxaa jiro waxyaabo lagaa rabo inaad adiga sameyso sida u qaboo sharciga Ingiriiska ee caafimaadka iyo badbaadada.

Waxyaabaha laga rabo inuu shaqo-bixiyahaada sameeyo

Caadi ahaan

  • Inuu kuu sheego halisyada caafimaadka iyo badbaadada ku xiran shaqadaada.
  • Ku tusiyo warqad caddeyn ah oo muujinaayo inuu qabo Ceymiska Khasabka ah ee Mas’uuliyadda Shaqo-bixiyaha.

Macluumaad iyo tababar

  • Ku siiyo macluumaad, tilmaan-bixin iyo tababarka aad u baahan tahay si aad si badbaado ah ku shaqeyso iyo inuu hubiyo inaad garatey macluumaadka uu kuu sheego – khasab ma ahan in wararkaas lagugu sheego af Ingiriis.
  • Hubiyo inaad garatey qoraalada tilmaam-bixinta badbaadada ee ku yaalo goobta shaqadaada.
  • Hubiyo inaad mar walba la hadli kartid hor-jooge xirfadeysan iyo in aad is af-garan kartiin.

Qalabyada iyo dharka

  • Kuu ogolaanin inaad wado iyo isticmaasho qalabyo/makiinad haddii markii horey sii habboon laguu tababarin.
  • Hubiyo in qalab walba aad u baahato inaad isticmaasho uu kugu habboon yahay iyo sii fiican loo dayactirey.
  • Haddii loo baahdo, waa inuu ku siiya qalab ama dhar aad jirkaaga ku ilaaliso (oo bilaash ah), iyo waa in dharkaas ahaada mid qandacan iyo/ama biiyu-gelin haddii aad dibedda ka shaqeynayso.

Nolol-wanaaggaaga

  • Hubiyo inuu goobta shaqada leeyahay musqul iyo meel lagu dhaq-dhaqdo iyo biiyo la cabo oo nadiif ah.
  • Hubiyo inaad heli karto caawinta deg-degga ah (gurmadka ah).
  • Diiwangeliyo dhaawac walba ee shaqada ka dhaco, caafimaad-darro ama waxyaabo khatar ah iyo u sheego Hay’adda Caafimaadka iyo Badbaadada (Health and Safety Executive) (HSE).

Haweenka iyo dadka dhallinyarada ah

  • Tixgeliyo halis walba ku dhici karaa haweenka jiro da’ uur-qaad, gaar ahaan haddii ay uur leeyihiin ama ilmahooda naas-nuujiyaan.
  • Tixgeliyaan baahida shaqaalaha ka yar 18 jir.

Waxaa lagaa rabo inaad adiga sameyso shaqaale ahaan

  • Hubi in waxyaabaha aad shaqada ka sameyso uusan adiga iyo dadka kale halis gelinin.
  • Ku caawi shaqo-bixiyahaada si uu yareeyo halisyada caafimaadka iyo badbaadada goobta shaqada.
  • Qalabka shaqada u isticmaal sida lagugu tababarey.
  • Si fiican u isticmaal wax walba ee lagu siiyey si aad u dhowrto caafimaadkaaga iyo badbaadadaada.
  • Shaqo-bixiyahaada u sheeg (si qoraal ah) haddii aad uur leedahay, naas-nuujiso ama cunug dhashey lixda bilood ee la soo dhafey.

Waxa la sameeyo haddii aad ka wel-welsan tahay caafimaadkaaga iyo badbaadadaada

  • La hadal shaqo-bixiyahaada, maareeyahaada ama hor-joogahaada.
  • La hadal wakiilkaaga badbaadada haddii aad mid qabtid.

Sida u qabo sharciga Ingiriiska, waxaad qabtaa xuquuqyo kale oo aasaas ah sida xadaynta saacadaha aad shaqeyso, waqtiyo shaqo la’aan, biririfta nasashada iyo fasaxa sanadlaha oo mushahar leh.

HSE wuxuu soo saarey kaadh yar oo loogu talagalay shaqaalaha dibedda ka yimid:

Kani wuxuu ku siinayaa macluumaad aasaas iyo muhiim ah ee xuquuqdaada iyo mas’uuliyaddaada sida u qabo sharciga Ingiriiska ee caafimaadka iyo badbaadada – maclumaadka wuxuu ku dabakhma shaqooyin walba ma ahan oo kaliya shaqada beeraha iyo diyaarinta cuntada. Waxaa lagu turjumey luqado badan ee kala duwan.

Dhowr daabacad ayaa lagu turjumey luqado aan Ingiriis eheen. Kuwaani waxaa laga soo saaran karaa isku xirkaan.


Directgov - Business Link

20.07.11