Maya – laakin waxaa fikrad fiican ah in la barto ereyo fudud ee ku saabsan caafimaadka iyo badbaadada oo ay isticmaali karaan dadka kula shaqeeyo, sida ‘deb!’ iyo ‘joogso!’.
Inkastoo sharciga caafimaadka iyo badbaadada uusan caadi ahaan kaaga baahneyn inaad ku hadasho af Ingiriis, waxaa fiican inaad luqada barato sababtoo ah wuxuu yareyn doonaa dhibaatada af-garatka iyo wuxuu kaa dhigi doonaa qof kalsooni ku ah shaqada iyo meelo kale.
Koorsoyinka Ingiriiska Loogu Talagalay Dadka ku Hadla Luqado Kale (ESOL) ayaa la heli karaa haddii aad u baahan tahay inaad wanaajiso af Ingiriiskaaga.
Shahaadoyin loogu talagalay inay ku baraan Ingiriiska muhiimka u ah goobta aad ka shaqeyso, ay ku jirto caafimaadka iyo badbaadada, ayaa xittaa la heli karaa. Waxaa suurtogal ah inaad wax yar ka bixiso kharashka koorsada, laakin haddii aad awoodo inaad akhriso iyo qorto af Ingiriis, waxaad isku arki doontaa inuu ka fudud yahay inaad ku shaqeyso si caafimaad iyo badbaado ah, si fiican u dhax-gasho shaqaalaha kale iyo horumar ku sameyso shaqada iyo nolol-maalmeedka labaduuba.
Shaqo-bixiyahaada kuguma dallaci karo ama kaama codsan karo dabaaji dib loo baxsho ee dharka ilaalinta jirka iyo qalabyada lagu ilaaliyo caafimaadkaaga iyo badbaadadaada markii aad shaqeynayso. Kharashyada hoyga aad jiifato waxaa xadeyn ku leh xeerka mushaharka ugu yar ee qaran iyo midka beeraha.
Markuu HSE baaraayo cabasho ma sheegi doono magaca qofka cabashada sameeyey. Uma sheegi doono shaqo-bixiyaha inuu jirey cabasho ayadoo marka horey fasax laga helin qofka cabashada sameeyey.
Haa – shaqo-bixiyahaada waa inuu aqoonsadaa iyo qiimeeyaa halisyada caafimaadkaaga iyo badbaadadaada iyo kadib kuu sheegaa wixii aad sameyn karto sidii aad uga hortagto. Shaqo-bixiyahaada xittaa wuu inuu ku siiyo macluumaad, tilmaan-bixin iyo tababarka aad u baahan tahay si aad si badbaado ah ku shaqeyso iyo khatar u gelinin caafimaadkaagta.
Mas’uuliyadda caafimaadkaaga iyo badbaadadaada waxaa kala qaybsan doono shirkada shaqo-bixiyaha iyo shirkadda iska leh goobta aad ka shaqeyso. Xaalado badankooda, mas’uuliyadda waxaa iska lahaan doono shirkadda iska leh goobta aad ka shaqeyso, intii uu ahaan lahaa shirkadda shaqo-bixiyaha ah – gaar ahaan haddii shirkadda uu xukumo iyo maamulo shaqada aad qabato. Shirkadda shaqo-bixiyaha iyo midda goobta aad ka shaqeyso waa inay lahadaaan heshiis qoraal ah oo ku qoran doorkooda iyo mas’uuliyadooda si loo sugo caafimaadkaaga iyo badbaadadaada.
Caadi ahaan, sharciga Ingiriiska ee caafimaadka iyo badbaadada ma aqoonsado shahaadoyinka dibedda ama imtixaanada awood-xirfadeedka, aysan eheen markuu yahay shahaado heer-qaran oo rasmi ah iyo midka Ingiriiska u dhigma. Haddii uu sidaa yahay, shaqo-bixiyahaada ayaa waaxda Ingiriiska ku takhasuusan, Xarunta Macluumaadka Aqoonsiga Qaranka ee Ingiriiska (UK National Recognition Information Centre (UK NARIC)) ka codsan doono inuu aqoonsado. Haddii aadan qabin shahaado heer-qaran oo midka Ingiriiska u dhigma, waxaad u baahan doontaa inaad gasho imtixaan, iyo waxaa suurtogal ah in dib laguu tababaro, haddii uu shaqadada yahay mid u baahan xirfad gaar ah (sida wadidda baaburka alaabta qaado, ama isticmaalka makiinadda wax jarto). Sababta waxaa weeye shaqo-bixiyahaada waxuu qabaa waajibaad sharciyeed inaad awood-xirfadeed ku qabtid shaqada aad qaban doonto.
Shaqooyinka wax-dhisidda, kaadhka Nidaamka Shahaadada Xirfadda Wax-dhisidda (CSCS) ayaa aqoonsi u ah sida hab lagu caddeeyo xirfadda shaqaalaha. Ururka mas’uul ka ah kormeerida xirfadaha iyo tababarka shaqooyinkaan waa Xirfadaha Wax-dhisidda.
Waxaad Khadka Caawinta Xuquuqda Shaqada iyo Mushaharka ka wici kartaa lambarkaan 0800 917 2368 si aad u hesho caawinaad iyo talo sir ah oo ku saabsan xuquuqyada shaqalaha uu dawladda xoog ku fuliyo. Wuxuu baxshaa macluumaad ku saabsan xuquuqyada Mushaharka ugu Yar ee Qaranka, xuquuqda Mushaharka ugu Yar ee Shaqooyinka Beeraha iyo xaq u lahaanshada inaadan shaqeynin in ka badan 48 saac toddobaadkiiba haddii aadan rabin. Waxaad khadka caawinta xittaa ka heli kartaa macluumaad ku saabsan xuquuqyada shaqada haddii mushaharka ku siiyo shirkad shaqo-bixiye ah ama qofka dadka shaqo u raadiya.
Haddii aad u baahan tahay inaad ogaatid xuquuqyadaada ku saabsan waxyaabahaan, ama u maleyso in shaqo-bixiyahaada uusan sharfin xuquuqyadaada, wac khadka caawinta si talo laguu siiyo. Khadkaan caawinta waa adeeg talo-bixin uu dawladda maalgeliyo.